Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Dhakhtarka Taiwan (Taiwan Medical Center) iyo Casriyeynta Cisbitaalka Hargeysa. Mashruucan ballaadhan waxa maalgelisay Dawladda Taiwan, kaas oo qayb muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.
Munaasibadda dhagax-dhigga Xarunta Dhakhtarka Taiwan ayaa ahayd mid ka tarjumaysay saaxiibtinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyaga oo labada dhinac si joogto ah uga wada shaqayn doonaan horumarinta caafimaadka, waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo kobcinta xirfadaha iyo aqoonta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey hadal miisaan leh oo xambaarsanaa mahadnaq qoto dheer iyo dareen iskaashi, isaga oo Dowladda iyo Shacabka dalka Taiwan ku ammaanay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Somaliland, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh nolosha bulshada reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalka Taiwan uu yahay saaxiib weyn oo la isu hallayn karo.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhismaha Dhakhtarka Cusub ee Taiwan ay tahay calaamad muujinaysa saaxiibtinimada dhabta ah ee u dhaxaysa labada dal, isaga oo Taiwan ku bogaadiyay sida ay uga goโan tahay horumarinta caafimaadka iyo adeegyada kale ee waxtarka u leh nolosha bulshada Somaliland. Dhismaha Xarunta Dhakhtarka Taiwan iyo Casriyeynta Dhakhtarka weyn ee Hargeysa wuxuu noqon doonaa xarun bixisa adeeg caafimaad oo tayo sare leh, taas oo si weyn u yarayn doonta baahiyaha caafimaad ee dalka isla markaana kor u qaadi doonta tayada adeegyada caafimaadka.
Dhanka kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si weyn ugu mahadnaqay Dawladda Taiwan taageerada iyo maalgelinta ay ku bixisay dhismaha cusub iyo casriyeynta Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka dalka, isla markaana muujinaysa iskaashiga midho-dhalka ah ee u dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, munaasibadda waxa hadallo ka soo jeediyey Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mayor-ka Caasimadda, Guddoomiyaha Gobolka M/jeex, Dr. Edna Adan, Agaasimaha Dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo dhammaantood si weyn ugu mahadnaqay Dawladda iyo Dadka Jamhuuriyadda Taiwan maalgelinta adeegyada caafimaadka ee dalka JSL.
Isaguna dhankiisa, Wakiilka dalka Taiwan ee Somaliland, Mudane Alen Lou ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu u fidinayo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Tiknoolajiyadda iyo kobcinta xirfadaha qaybaha kala duwan ee laamaha Amniga JSL. Munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi saaxiibtinimo ay labada Jamhuuriyadood ka wada shaqayn doonaan isla markaana iskana kaashan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, Beeraha, Aqoonta Tiknoolajiyadda, arrimaha Dimuqraadiyadda, iwm.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
“Saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal waxay horseed u tahay horumar waara oo ka faaโiideysta bulshada Somaliland.” โ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
